Xiisad ka taagan Burundi iyo Nkurunziza oo loo diidey inuu dalka kusoo noqdo

Image

May 14, 2015 (GO)- Rasaas ayaa laga maqlayaa bartamaha caasimadda Burundi halkaas oo uu ka dhacay iskuday inqilaab ka dhan ah madaxwayne Pierre Nkurunziza.

Waxaa la soo sheegayaa in haatan ciidammada dalka Burundi ay u kala jabeen laba dhinac; koox taageersan inqilaabka iyo kuwa ka soo horjeeda.

Janaraal Godefroid Niyombareh, ayaa ku dhawaaqay in la dhisay guddiga badbaadinta qaranka si ay dalka u maamulaan, balse yeeshee, ma cadda inta ay dhantahay taageerada isaga iyo saraakiisha kaleba ay haystaan.

Dib u laabasho ma suurtagelin
Sarkaal ka tirsan Dawladda Tanzania ayaa BBC-da u sheegay in madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza, aysan u suurta galin in uu dib ugu noqoda dalkiisa, si uu ula tacaalo inqilaabka dhacay.

Diyaaradii waday waxa ay dib ugu noqotay Tanzania, halkaas oo uu kaga qeybgalay kullan madaxeedka wadammada gobalka Bariga Afrika ee looga hadlayay xaalada dalkiisa.
Waxaa loo sheegay in diyaaraddii siday aysan ka degi karin garoonka Bujumbura oo ay gacanta ku hayaan kuwa afgembiga sameeyay.

Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza

Madaxwayne Nkurunziza waxa uu diiday baaqyadii loo soo jeedinayay ee ku aadanaa in uu ka laabto in uu isu sharaxo markii saddexaad doorasha la qorsheeyay in la qabto bisha soo socota.

51 jirkan horay u ahaa hogaamiye jabhad waxa uu ku doodayaa in markii koobaad ay baarlamaanku doorteen 2005, sidaas daraadeedna aan loo xisaabin, oo uu xaq u leeyahay labo jeer oo ay shacabku doortaan.

Xigasho: BBC

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM