Xiisada dowladaha Faransiiska iyo Turkiga oo weji cusub yeelatay

Image

PARIS, France – Xiisada diblumaasiyadeed ee Faransiiska iyo Turkiga ayaa waji cusub yeelatay markii xukuumadda Paris ay taageertay soo jeedin lahayd in cunaqabateyn la saaro dhigeeda ay is-hayaan ee Ankara.

Soo-jeedintaas ayaa ka timid Qubrus oo kamid ah wadamada ay gorada isku-galeen Turkiga markii uu bilaabay sahminta shidaal ee uu ka wado bariga Mediterranean, halkaasoo ay si wadajir ah uwada sheegtaan.

Gariiga iyo Qubrus oo isku-dhac ah ayaa taageero ka helaya Midowga Yurub iyo qaar kamid ah dowladaha reer Galbeed sidda Mareykanka.

Wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska, Clement Beaune, ayaa carabka ku dhuftay in xayiraada ay tahay fursada u banaan wadamada xubnaha ka ah Midowga Yurub hadii Turkiga oo ku xadgudbo wadan ururkooda kamid ah.

"Waanu tixgelin doonaa cunaqatabeynta.Golaheena wuu soo saari doonaa hadii mid kamid ah wadamada naga midka ah lagu xadgudbo madax-banaanidiisa," ayuu ku sheegay shir jaraa'id oo uu warbaahinta kula hadlay.

Hadal-jeedintaan ayuu sameeyay kadib wadahadalo uu la yeeshay dhigiisa arrimaha dibadda waddanka Qubrus, Nikos Christodoulides.

Illaa haatan lama ogga, nooca ay noqon doonto xayiraadaa, balse waxaa loo badinayaa in ay si toos ah u saameyn doonto howlaha soconaya.

Madaxda Turkiga iyo Faransiiska ayaa horey hadalo xanaf leh hawada isku-mariyey, iyagoo isugu goodiyey talaabooyin diblumaasiyadeed hadii midba kan kale uu ka joojin waayey wax ay ugu yeereen "garawada uu wado".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM