Xiisada Mareykanka iyo Canada oo sii xoogeysatay

Image

WASHINGTON - Madaxweyne Donald Trump ayaa Jimcihii ku dhawaaqay inuu joojiyey dhammaan wadaxaajoodyadii ganacsi ee u dhexeeyey Mareykanka iyo Canada, isagoo sabab uga dhigay canshuur cusub oo Kanada ku soo rogtay shirkadaha teknolojiyadda, oo ay ku jiraan shirkado Mareykan ah.

War uu ku qoray bartiisa Truth Social, Trump ayaa Canada ku tilmaamay "waddan aad u adag marka la eego ganacsiga" isagoo intaas ku daray in canshuurta cusub ee shirkadaha tiknoolajiyadda ay tahay "weerar toos ah oo cad oo lagu qaaday dalkiisa."

Madaxweyne Trump ayaa yiri, "Iyada oo lagu saleynayo canshuurtaan foolxumada ah, waxaan halkan ku joojinaynaa dhammaan wadaxaajoodyada ganacsi ee Canada, si degdeg ah oo dhaqso ah." Waxa kale oo uu sheegay, "Waxaan Kanada u soo bandhigi doonaa canshuurta ay bixin doonaan si ay ula ganacsadaan Dowladda Mareykanka toddobaadka soo socda."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM