Xiisadda Shiinaha iyo Ingiriiska oo sii karaar-qaadatay

Image
Labadda dal ayaa isku-maan-dhaafsiisan arrimo ay kamid tahay tacadiyada xuquuqda aadanaha Xinjiang.

LONDON, Britain - Safiirka Shiinaha u fadhiya UK ayaa lagu wargeliyey inuusan imaan karin Baarlamaanka inta ay weli jiro cunaqabateynta China saartey tiro xildhibaanno ah iyo shaqsiyaad kale.

Zheng Zeguang ayaa lagu waday inuu ka qeybgalo soo dhaweynt xeerdejinta Britain ay Arbacada maanta qabaneyso ayna soo agaasimeen kooxda dhammaan xisbiyada ee Shiinaha.

Safaaradda Shiinaha oo war-saxaafadeed kooban soo saartey ayaa daaha ka rogtey go’aankan uu yahay "quudhsi iyo fulaynimo" oo wax u dhimaya danaha ay wadaagaan labada dal.

Bishii Maarso, Shiinuhu wuxuu xayiraad dhanka socdaalka ah iyo hantidaba kusoo rogay shan xildhibaan iyo laba shaqsi kale oo ku dhow kuwaasoo ay ku eedeeysay inay been ka faafinayaan dalkaas.

Xayiraadda ayaa jawaab u ahayd go’aankii UK ee ahaa in cunaqabatayntii ugu horreysay lagu soo rogo saraakiisha Shiinaha ee xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee Xinjiang.

Gobolka Xinjiang ayaa kamid ah meelaha Shiinaha ee ay ka jiraan xadgudubyada ugu waaweyn ee ka dhanka ah xuquuqda bini'aadanimadda hase ahaatee xukuumadda Beijing ay ku gacan-seyrto.

Mamnuucidda ka dhanka ah danjiraha China oo markii ugu horreysay ay soo tebisay Daily Telegraph ayaa ku soo beegmaysa xilli xiisadda u dhexeysa labada dowladood ay tahay mid aad u sarreysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM

FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026

Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 10:37AM