Xiisadda xadka ee Shiinaha iyo India oo oo galaaftay nolosha 20 askari

Image

WASHINGTON, US - Xiisad aad u kacsan ayaa ka jirta xadka u dhaxeeya dalalka China iyo India, kaddib markii ay ciidamada ilaalada xadka labada dhinac uu dagaal culus dhexmaray.

India waxay sheegtay in dagaalkaasi ay uga dhibteen ugu yaraan 20 askari, halka dowladda China aysa wali xaqiiin wax khasaara ah oo ciidankiisa soo gaaray.

India iyo China ayaa toddobaadyadii tegay waxa ay ku lug lahaayeen is-mariwaa ka taagan Dooxda Galwan ee galbeedka Himilayas, ayada midba midka kale uu ku eedeynayey inuu dhulkiisa kusoo xadgudbay.

Wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha ayaa ugu baaqday India inaysan qaadin tallaabo hal dhinac ah, ama aysan abuuri dhibaato.

India iyo China ayaa si kooban xuduudda ugu dagaalay 1962-kii, mana awoodin wixii markaas ka dambeeyey inay xalliyaan murankooda, inkasta oo ay wada-hadallo socdeen tobaneeyo sano.

Wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha ayaa ugu baaqday India inaysan qaadin tallaabo hal dhinac ah, ama aysan abuuri dhibaato.

Afhayeen u hadlay wasaaradda oo ku sugan Beijing ayaa sheegay in xadgudub weyn lagu sameeyey heshiiskii labada dal, markii ciidamada India “ay daan-daansadeen soons weerareen".

GO + VOA

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM