​Xil ka qaadista Rousseff oo la ansixiyay

Image

Mooshinka laga keenay madaxweynaha dalka Brazil Dilma Rousseff ayaa maanta loo qaaday cod kadib markii la geeyay aqalka hoose ee Barlamanka waddankaasi.

Codayntan waxay guusha ku raacday mucaaradka dalkaasi oo horay mooshinkan uga keenay Mrs.Rousseff taasoo lagu eedeeyay inay dhaqaalah waddanka been ka sheegtay.

Ka hor intaan codayntu dhicin waxaa hadal kooban la siiyay mudanayasha waddankaasi.

In kabadan 500 mudane ayaa codadkoodii dhiibtay, waxayna mucaaradku helay ku dhawaad 350, waxaana u hirgalay mooshinkoodii oo ka gudbay marxaladii koowaad.

Kiiska madaxweyne Dilma Rousseff waxa loo gudbinayaa aqalka Senate-ka, kaas oo la filayo in lix bilood ay shaqada ka joojiyaan madaxweynaha.

Mooshinka xil ka xayuubinta ahna wuu sii soconayaa illaa laga meel mariyo ama la laalo.

Shaqaalaha xisbiga Ms Rousseff waxa ay mucaaradka ku eedeynayaan inay afgembi siyaasadeed wadaan.

Dhinaca kale waa afaafka goobta codayntu ka dhacaysay soo buux dhaafiyay taageerayaasha labada dhinac.

Xaaladda waddankaasi ayaa kacsansan waxaana laga dareemayaa muranka siyaasadeed ee ka dhex jira mucaaradka iyo muxaafidka waddankaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM