​Xil ka qaadista Rousseff oo la ansixiyay

Image

Mooshinka laga keenay madaxweynaha dalka Brazil Dilma Rousseff ayaa maanta loo qaaday cod kadib markii la geeyay aqalka hoose ee Barlamanka waddankaasi.

Codayntan waxay guusha ku raacday mucaaradka dalkaasi oo horay mooshinkan uga keenay Mrs.Rousseff taasoo lagu eedeeyay inay dhaqaalah waddanka been ka sheegtay.

Ka hor intaan codayntu dhicin waxaa hadal kooban la siiyay mudanayasha waddankaasi.

In kabadan 500 mudane ayaa codadkoodii dhiibtay, waxayna mucaaradku helay ku dhawaad 350, waxaana u hirgalay mooshinkoodii oo ka gudbay marxaladii koowaad.

Kiiska madaxweyne Dilma Rousseff waxa loo gudbinayaa aqalka Senate-ka, kaas oo la filayo in lix bilood ay shaqada ka joojiyaan madaxweynaha.

Mooshinka xil ka xayuubinta ahna wuu sii soconayaa illaa laga meel mariyo ama la laalo.

Shaqaalaha xisbiga Ms Rousseff waxa ay mucaaradka ku eedeynayaan inay afgembi siyaasadeed wadaan.

Dhinaca kale waa afaafka goobta codayntu ka dhacaysay soo buux dhaafiyay taageerayaasha labada dhinac.

Xaaladda waddankaasi ayaa kacsansan waxaana laga dareemayaa muranka siyaasadeed ee ka dhex jira mucaaradka iyo muxaafidka waddankaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha dalalka Muslim-ka oo ku Shiraya Doha si ay uga Jawaabaan Duqeyntii Israa’iil ee Qatar

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii si mid ah u cambaareeyay weerarka Israa’iil ku qaaday Qatar.

  • Caalamka

    14-09-2025

  • 10:37AM

Haweeneydii Ugu Horreysay oo Ra’iisul Wasaare ka Noqotay Nepal Kaddib Kacdoonkii Ka Dhanka Ahaa Musuqmaasuqa

Maalintii Talaadada, dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal dowladeed iyo xarunta baarlamaanka.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:34AM