Xildhabaanad Israa’iili ah oo ku baaqday in hubka Nukliyeerka loo adeegsado Qassa

Image

QUDUS - Xubin ka tirsan baarlamaanka Israa’iil ayaa ugu baaqay ciidamada inay “hubka Nukliyeerka u adeegsadaan” Qassa, taasoo jawaab u ah weerarrada lama filaanka ah ee Xamaas ay ku qaadday Israa’iil oo bilowday subaxnimadii Sabtida.

Xildhibaanad Tali Gottliff, oo ka tirsan xisbiga Likud, ayaa barteedii ‘X’ ku daabacday dhowr qoraal ay ugu baaqday in aga aarguto ururka Xamaas & falastiiniyiinta.

"Waxaan idinku boorrinayaa inaad wax walba samaysaan oo aad hubka qiyaamaha u isticmaashaan si cabsi la'aan ah," ayay ku dartay qoraal kale, iyadoo raacisay in Israa'iil ay tahay inay hub walba u isticmaasho dagaalkan.

Waxay intaas raacisay: “Qarax ruxa Bariga Dhexe oo kaliya ayaa soo celin doona sharafta, xoogga, iyo amniga dalkan!"

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM