Xildhibaan ka tirsanaa Barlamanka Kenya oo Nairobi lagu toogtey

Image

February 7, 2015 (GO)- George Muchai  oo ahaa xildhibaan ka tirsan barlamanka Kenya ayaa saaka lagu toogtey bartamaha magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Dabley hubeysan oo wejiga soo duubtey islamarkaana watey gaari yar oo niiciisu ahaa Toyota Probox ayaa lagu soo waramayaa inay rasaas ku fureen gaariga xildhibaanka xillu taagnaa goob wargeysyada laga gato oo ku talla wadada Avenue-Uhuru.

Weerarka waxaa sidoo kale ku geeriyoodey dareewalkii wadey gaariga xildhibaanka iyo labo nin oo ilaalo u ahaa.

Saraakiil ka tirsan hay'adaha ammaanka Kenya oo daqiiqado kadib goobta soo gaarey ayaa sheegay inay baaritaan wadaan kuna raad joogaan shaqsiyaad laga shekiyey.

Mas'uuliyadda dilka weli cidi ma sheegan, haseyeeshee Al-shabaab ayaa horay weeraro uga geysan jirtey gudaha dalka Kenya.

George Muchai oo barlamanka Kenya kusoo biirey sanadkii 2013, wuxuu noqonayaa xildhibaankii ugu horreeyey ee ka tirsan barlamanka Kenya ee weerar qorsheysan lagu dilo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM