Xildhibaan Keerow: lama xiri karo goobaha cibaadada

Image

Isniin, Sept 15, 2014 (Garowe Online)- Bilow Aadan Keerow oo ah xildhibaan ka tirsan aqalka sare ee Baarlammaanka Keyna, ayaa gaashaanka u daruuray hadal uu shalay oo Axad ahayd sheegay Ndegwa Muhoro oo ah Madaxa Hay'adda Sirdoonka (CID) ee Kenya, kaasoo ahaa in la xiri doono dhowr masjid oo sida ay hay'addu sheegtay laga sameeyo ololeyaal dhallinyarada lagu dhiirigelinayo si ay ugu biiraan Ururka Al-shabaab.

Xildhibaan Keerow oo isagu inta badan si kulul uga hadla arrimaha khuseeyo bulshooyinka muslimka ah ee Kenya ku dhaqan, wuxuu sheegay in xalku aanu ku jirin la xiro masaajida cabsi laga qabo fikirka xagjirnimada darteed.

" tallaabadaasi waxay ka dhigan tahay dekedda Mombasa oo loo xiray gacasatda daroogada oo marar badan ka dhoofay darteed, ama guri loo qarxiyey in qofka kiraysatay uu argagixiso ahaa.  Dowladda waxaa laga rabaa inay beegsato dadka howlahaas kuleg leh, ma ahan inay masaajidyada abbaarto" Bilow ayaa sidaas yiri.

Keerow oo degmada Mandheera laga soo doorto wuxuu dhinaca kale sheegay in tallaabooyinka caynkan oo kale ahi ay sii xoojin karaan shekigii ay bulshada muslimka ahi horay uga qabtay Dowladda Kenya.

"beegsiga masaajiddu wuxuu sii xoojinayaa shekigii horay ay muslimiinta Kenya uga qabeen in dowladdu ay si gaar ah u beegsanayso caqiidadooda...hadii uu jiro wadaad looga shekiyey inuu Al-shabab dad u qorayo isaga hala aado ma ahan in goobaha cibaadad la beegsado..."

Xildhibaanku wuxuu ugu dambeyntii sheegay in hadalkii  Ndegwa Muhoro uu ahaa mid ixtiraam darro ah maadaama uu si guud muslimiinta Kenya oo dhan uga dhigay inay xiriir la leyihiin Ururka Al-shabab ee fadhigiisu uu Soomaaliya yahay.

Madaxa Hay'adda Sirdoonka (CID) ee Kenya Ndegwa Muhoro , oo shalay oo Axad ahayd warbaahinta la hadlay, wuxuu sheegay in la xiri doono dhowr masjid iyo dad uu sheegay inay Al-shabab gudaha Kenya uga qoraan dhallinyaro u dagaalanta. Ndegwa Muhoro ma carrabaabin dadka iyo goobaha cibaadada ee sida gaarka ah loo beegsan doono.

Xigasho: The Standard

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Giorgia Meloni iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay dhibaatada ka dhalatay xirnaanshaha Hormuz

Meloni ayaa booqashadan ku tagtay Qatar maalin Sabti ah, waana joogteeda labaad ee safar ay ku mareyso gobolka oo ka bilowday Sucuudiga.

  • Caalamka

    04-04-2026

  • 06:15PM

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM