Xildhibaanad Falastiin u dhalatay oo fariin kulul u dirtay Biden

Image

WASHINGTON (GO) - Xildhibaanadda Mareykanka Rashida Tlaib ayaa ku eedeysay madaxweyne Joe Biden inuu taageeray "xasuuqa" Falastiiniyiinta, iyadoo sheegtay in Mareykanka ay xasuusan doonaan ficilladiisa markii la gaaro xilliga doorashada.

Tlaib oo ah xildhibaanad Dimuqraadi ah oo ka socota Michigan, waa xildhibaanka kaliya ee ka soo jeeda Falastiin ee ku jira Aqalka Wakiilada.

Muuqaal ay Jimcihii soo dhigtay barteeda “X” ayay Tlaib ku tiri: “Mudane Madaxweyne, dadka Maraykanku kugu ma taageersana arrintan, waxaan xasuusan doonnaa 2024-ka markii la gaaro xilliga doorashada.

Qoraalka la socda muuqaalka ayaa lagu sheegay, "Biden wuxuu taageeray xasuuqa dadka Falastiiniyiinta. Dadka Maraykanku ma ilaawi doonaan. Biden, taageer xabbad joojinta hadda ama ha nagu tashan 2024."

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM