Xildhibaano mooshin ka keenay Madaxweynaha dalka Kenya

Image

16 Octobar, 2015(GO)-105 ka mid ah mudanayaasha Barlamanka Kenya ayaa diyaariyana mooshin looga soo horjeedo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Eedaymaha ugu weyn ee mooshinka lagu muujiyay, waxaa lagu sheegay in Madaxweynuhu  ku tuntay dastuurka wadanka, sidoo kalana xukuumadiisu diiday kordhinta mushaaraadka Macalimiinta wax ka dhigga Iskuulada Kenya oo dhawaan cabasho darteed joojiyay dhigista duruurta.

Mid ka mid ah xildhibaanada eedaynta usoo jeediyay Madaxweynaha oo lagu magacaabo Suba John Mbadi, ayaa tilmaamay in dhammaadka toddobaadkan mooshinka u gudbin doonaan Guddoonka sare Barlamanka Kenya.

Shirar gaar gaar ah oo Xildhibaanada mooshinka abaabulaya ku lee yihiin magalada Nairobi, ayaa u muuqda kuwo ay kala jiidanayaan dhinacyada isu haaya siyaasadda dalkaasi.

Tirada shakhsiyaadka mooshinka keenay ayaa laga yaabaa inay kororto shirarka socda awgood iyadoo jiraan xod-xodasho hoose oo lagu badaniyo tirada saxiixayaasha mooshinka.

Guud ahaan Xildhibaanada Kenaya ayaa tira ahaan dhan 349 mudane.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM