Xisbiga talada haya ee Turkiga oo guuleystay

Image

02 November, 2015(GO)-Xisbiga haya talada dalka Turkiga ee AK, ayaa si weyn ugu guuleystay doorashooyinkii baarlamaanka, waxa uuna dib u helay aqlabiyaddii uu lumiyay muddo shan bilood ah ka hor.

Natiijada doorashadani ayaan si rasmi ah loo shaacin doonin muddo toddobo beri ah gudahood, balse maadaama la xisaabay ku dhawaad dhammaan codadkii la dhiibtay, waxa uu xisbigani AK helay ku dhawaad boqolkiiba 55 codadkii la dhiibtay, taasi oo micneheedu yahay in xisbigu uu haatan awoodo inuu maamulo baarlamanka dalkaasi ee ka kooban 550 kursi.

Guushaasi ayaa xoojin doonto awoodda madaxweyne Racceb Tayyib Erdogan oo aqlabiyaddaasi uu xisbigiisa helay ku tilmaamay cod loo qaaday xasiloonida iyo farriin loo diray maleeshiyaadka kurdishka ah taasi oo ah in rabshaduhu aysan marnaba la jaan qaadi karin dimuquraadiyadda.

Ahmet Davutoglu waxa uu khudbadii lagu yaqaanay ka jeediyay xarunta xisbiga ee Ankara. Waxa uu taageerayaashooda u sheegay in guul macweyn ku fadhida ay gaareen.

Magaalada dhanka bari ku taalla ee Diyarbakir, boolis waxa ay suntan dadka ka ilmeysiisa ku kala ceyriyeen taageerayaasha xisbiga Kurdiyiinta oo sheegay inay ka niyad jabeen natiijada doorashada.

Dibad baxayaasha dhankooda waxa ay boolisla ku tuurayeen dhagxaan iyo baaruud.

Mucaaradka dhankooda waxa ay qirteen in doorashada looga adkaaday, waxayna tilmaameen in xisbiga talada haya ay kula xisaabtami doonaan tallaaba kastaa oo uu qaado.

Xigasho: BBC

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM