Xisbiga Trump oo looga adkaadey Doorashadii Maxkamadda Sare ee Wisconsin 

Image

WASHINGTON - Gobolka Wisconsin ayaa qabtay doorasho muhiim ah oo lagu dooranayey garsoore cusub oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee gobolkaas. Garsoore Susan Crawford, oo ka tirsan garabka dimoqraadiga, ayaa ku guuleysatay doorashada, iyadoo ka adkaatay Brad Schimel, oo ah garsoore taabacsan Jamhuuriga, islamarkaana si weyn u taageeray Elon Musk.

Guusha Sudan Crawford waxay suurtagelisay in garabka dimoqraadiga uu sii hayo aqlabiyadda 4-3 ee maxkamadda — taasoo la filayo inay saameyn weyn ku yeelato go’aamo muhiim ah oo la xiriira xuquuqda haweenka iyo dib-u-habeynta xuduudaha doorashooyinka.

Doorashadan ayaa soo jiidatay indhaha qaranka Maraykanka iyadoo noqotay tii ugu qaalisanayd ee abid lagu tartamo xil garsoore ah — iyadoo lacagta ololaha lagu bixiyey ay kor u dhaaftay $100 milyan. Elon Musk ayaa kali ah bixiyey in ka badan $25 milyan si uu u taageero Schimel.

Guusha Crawford waxaa loo arkaa dharbaaxo siyaasadeed oo ku dhacday Donald Trump,  oo si buuxda u taageeray Schimel. Natiijadan waxay calaamad u tahay suurtogalnimada in doorashooyinka mustaqbalka ay si weyn u saameeyaan maalgelinta xad-dhaafka ah ee ka timaada shaqsiyaadka dhaqaalaha xooggan leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM