Xisbullah oo sheegtay in ay weerartay saldhig ay Israa'iil leedahay iyo taangi

Image
Milatariga Israa’iil ayaa xaqiijiyay weerarka lagu qaaday marinka sare ee Galilee balse kama hadlin khasaaraha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda hubaysan ee Lubnaan ayaa sheegtay inay tobanaan gantaal oo Katyusha ah ku garaacday waqooyiga Israa’iil, iyaga oo beegsaday saldhig milatari iyo sidoo kale bakhaarrada saadka ee magaalada Ami’ad.

Waxa ay sidoo kale sheegatay weerar gantaal ah oo lagu qaaday taangi Merkava Israel ay leedahay oo yaallay buuraha Labnaan ee Kfarchouba ee la haysto, iyada oo sheegtay in weerarka uu sababay dab oo burburiyay gaariga.

Milatariga Israa’iil ayaa xaqiijiyay weerarka lagu qaaday marinka sare ee Galilee, iyagoo sheegay in shan gantaal ay u gudbeen dhulka Israa’iil balse ma aysan geysan wax khasaare ah. Ma aysan ka hadlin weerarka lala beegsaday taangiyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Sababta Israa’iil iyo Iiraan uga Baqayaan Dagaal Toos ah?

Julien Barnes-Dacey, agaasimaha Bariga Dhexe ee Golaha Yurub ee Xiriirka…

  • Caalamka

    21-11-2024

  • 02:41PM

ICC oo amar dul-dhigtey Netanyahu iyo wasiirkiisii hore ee difaaca

Maxkamadda ayaa sidoo kale ku dhawaaqday amar lagu xirayo oo ka…

  • Caalamka

    21-11-2024

  • 02:14PM