Xisbullah oo soo riday diyaarad ay Israa’iil leedahay

Image

BEIRUT (GO) - Kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegtay maanta oo Khamiis ah inay duqeyn cirka ah ku burburisay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ay Israa'iiliyiintu leeyihiin, taas oo dul maraysay koonfurta Lubnaan, halka ciidamada Israa’iil ay beeniyeen wararkaas.

Waa markii labaad asbuucan ay Xisbullah ku dhawaaqdo in ay soo rideen diyaarad ay Israa'iil leedahay, iyada oo ay sii kordhayaan iska horimaadyada u dhaxeeya labada dhinac.

Xisbullah ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in dagaalyahanadeeda ay soo rideen diyaarad ku kor duulaysay laba tuulo oo ku yaala xadka Lubnaan, iyagoo intaa ku daray in gantaalku oo isla markiiba burburiyo diyaaradda.

Ciidamada Israa’iil ayaa qiray in gantaal laga soo riday Lubnaan oo ku socday mid ka mid ah diyaaradoohada, inKastoo ay beeniyeen in ay burburtay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM