XMS & Israa’iil oo ku dhow inay isla qaataan Xabbad joojin

Image

QASA (GO) - Madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas, Ismail Haniyeh, ayaa ku sheegay bayaan uu mid ka mid ah kaaliyayaashiisa u diray wakaaladda wararka ee Reuters in Xamaas ay ku dhowdahay inay heshiis nabadeed la gaarto Israa'iil.

Mas'uul ka tirsan Ururka ayaa sidoo kale sheegay in xabbad joojinta ay gundhig u tahay heshiis kasta oo ay gaarayaan labada dhinac.

Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in mid ka mid ah shuruudaha wada xaajoodka ay tahay in lagu soo celiyo xaalada maxaabiista Falastiiniyiinta sidii ay ahaan jireen ka hor howlgalka “duufaanta Al-Aqsa”.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa mar sii horreysay shaaca ka qaaday in labada dhinac ay ku dhowyihiin inay gaaraan heshiis lagu sii deynayo maxaabiista ay Xamaas ku hayaan Marinka Qasa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM