XMS oo beenisay hadal ka soo yeeray Iran

Image
Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay ugu jawaabtay hadal oo ku dhawaaqay afhayeen u hadlay Iraan.

QASA (GO) - Xamaas ayaa beenisay maanta war ka soo yeeray Afhayeenka Ilaalada Kacaanka Iran oo ku saabsanaa hawlgalka "Daadadka Al-Aqsa" iyo ujeedooyinkiisa.

Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri, “waxaanu marar badan ku nuux-nuuxnay ujeedooyinka lagaa lahaa Hawlgalka Daadadka Al-Aqsa, oo ay ugu horreyso khataraha ku wajahan Masjidka Al-Aqsa”.

War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri, “Xamaas waxay beenisay sax ahaanshaha hadalka uu sheegay Afhayeenka Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah Sareeye Guuto Ramadaan Shariif ee ku aadanaa howlgalka Daadadka Al-Aqsa iyo ujeedooyinka laga leeyahay.

Xamaas ayaa xaqiijisay in "dhammaan ficilada iska caabinta Falastiiniyiinta ay jawaab u tahay gardarrada joogtada ah ee ka dhanka ah shacabka Falastiiniyiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM