XMS oo beenisay hadal ka soo yeeray Iran

Image
Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay ugu jawaabtay hadal oo ku dhawaaqay afhayeen u hadlay Iraan.

QASA (GO) - Xamaas ayaa beenisay maanta war ka soo yeeray Afhayeenka Ilaalada Kacaanka Iran oo ku saabsanaa hawlgalka "Daadadka Al-Aqsa" iyo ujeedooyinkiisa.

Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri, “waxaanu marar badan ku nuux-nuuxnay ujeedooyinka lagaa lahaa Hawlgalka Daadadka Al-Aqsa, oo ay ugu horreyso khataraha ku wajahan Masjidka Al-Aqsa”.

War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri, “Xamaas waxay beenisay sax ahaanshaha hadalka uu sheegay Afhayeenka Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah Sareeye Guuto Ramadaan Shariif ee ku aadanaa howlgalka Daadadka Al-Aqsa iyo ujeedooyinka laga leeyahay.

Xamaas ayaa xaqiijisay in "dhammaan ficilada iska caabinta Falastiiniyiinta ay jawaab u tahay gardarrada joogtada ah ee ka dhanka ah shacabka Falastiiniyiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM