XMS oo qaadday mas'uuliyadda weerar lagu dilay dad Israa'iliyiin ah

Image
Xamaas iyo Israa’iil ayaa ku dhawaaqay inay kordhiyeen xabbad-joojinta.

QASA (GO) - Xamaas ayaa maanta ku dhawaaqday mas'uuliyadda weerarka ka dhacay magaalada Qudus kaasoo sababay dhimashada saddex qof oo Israa’iiliyyin ah.

XMS ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, "Gumeystuhu waa inuu Cabsi ku dareemaa magaalo, tuulo, waddo iyo luuq kasta, maadaama geesiyaasheena ay diyaar u yihiin aargoosi."

Maamulka Israa’iil ayaa sheegay in 3 qof ay ku dhimatay 12 kalana ay ku dhaawacmeen howlgal ay labo walaalo ah oo Falastiiniyiin ah ka fuliyeen iridda waqooyi-galbeed ee magaalada Quddus, halka booliska Israa’iilna ay shaaca ka qaadeen in ciidamadoodu ay dileen kuwii falkaas geystay.

Xamaas iyo Israa’iil ayaa ku dhawaaqay inay kordhiyeen xabbad-joojinta taasoo ka dhigaysa wadarta maalmaha Xabbad-joojinta 7 maalmood.

Inta lagu jiro muddadan, labada dhinac ayaa is dhaafsaday maxaabiis, iyadoo la filayo in howlgalka milateri ee Israa'iil oo dib uga bilaaban doono koonfurta Marinka Qasa haddii aan la gaarin heshiis lagu kordhinayo xabbad joojinta.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM