Xujay Somali ah oo diiday inay dib ugu noqdaan dalkooda

Image

14 Octobar, 2015(GO)-Jariidada Al-watan ee kasoo baxda dalka Sacuudiga ayaa ogaatay in xujeey Somali ah oo lagu qiyaasay %31.48 diideen inay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo ee Somalia.

Xujayda ayaa sida la sheegay waxay ku andacoonayaan inaysan amni wanaagsan iyo dhaqaale fiican ku haysan Somalia.

Mas'uuliyiinta Jariidada waxa soo xiganaysaa saraakiil iyo shirkadaha duulimaadka ee ku dhow xujeeyda Somali-da kuwaasi oo sheegaya in aysan meelna uga socon wadankaasi Boqortooyada.

Dawladda Sacuudiga ayaa wararku sheegayaan inay u dirsadeen dalab ku aadan sidi ay u sii joogi lahaayeen dalkaasi.

Madaxa arrimaha xujeyda Somalida Axmed Luqman oo Jariidada la hadlay ayaa sheegay in warkaasii uu maqlay, balse sugi doonan wixii dhaca xilliga kama dambeysta ah ee xujeeyda loo qabtay inay wadanka isaga baxayaan oo ah 15-ka bisha Muxarram.

Sanado ka hor ayay ahayd markii muwadiniin Suuriyaan ah sidaan oo kale Sacuudiga uga codsadeen inaan lagu celin dalkooda. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM