Xukun adag oo lagu riday nin sabab u ahaa geerida darawal Soomaali ah

Image

WASHINGTON, US – Maxkamad ku taala magaaladda Minneapolis, gobolka Minnesota ee waddanka Mareykanka ayaa Jimcaddii waxay 13-sano oo xarig ah ay ku xukuntay nin u gacan-qaadey darawal Soomaali ah.

Sidda lagu daabacay Startribune, Leroy Davis-Miles, 24-jir dambiga qirtay bishii September, 2020, ayaa waxaa lagu helay in sanadkii lasoo dhaafay ee 2019-kii uu si aan ku talogal ahayn u dilay Shirwac Xasan Jibriil.

Dukumiintiyadda la horgeeyay xeer-beegtada oo fahfaahiyey qaabka uu falka u dhacay ayaa muujiyey in Davis-Miles iyo koox la socotay uu soo qaadey Shirwac isla markaana uu ka socday in ay ka yareeyaan buuqa.

Kooxda Davis-Miles oo dalabkaas kaga falceliyey hanjabaad ah in ay garaaci doonan ayaa daba kacdey Shirwac markii uu geeyay goobtii ay doonayeen, kadibna way u gacan-qaadeen, sidda ku cad qoraalka.

Muuqaalada ay duubeen kaamirooyinka qarsoon ayaa muujiyey Davis-Miles uu hareer socda Shirwac isla markaana ka feeraya dhabarka iyo madaxa taasoo keentay in darawalka baska uu aakhritaankii dhul dhaco.

"Iyaddoo Shirwac uu dhulka jiifo xilli ay xaaladiisu daran tahay, Davis-Miles iyo saaxiibadii waxay isugu hambalyeeyeen fal-dambiyeedkaas iyagoo kadib baartey jeebabkiisa," ayay ku dareen dukumiintiyadda maxkamada.

Lix maalmood kadib, Shirwac wuxuu u dhintay dhaawacyadda. Wuxuu ahaa aabaha sideed caruur ah iyo awoowaha sideed kale. 2007-dii ayuu Mareykanka galay markii uu soo maray Bariga Dhexe, Italy iyo Germany.

Lix luuqadood ayuu ku hadli jiray. Macalin iskuul ayuu ahaa, isagoo taakuleyn jiray dadka ku hareereysan ee ku nool Minnesota iyo agoon ku dhaqan Soomaaliya, oo ah dalkiisa ay colaadda iyo shaqo la'aanta ay kasoo qaxisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM