Xukuumadda Falastiin oo is casilaysa

Image

Dawladda wadaaga ah ee Falastiiniyiinta ayaa is casilaysa sida uu ku dhawaaqay Madaxwayne Maxamuud Cabbaas.

Waxa uu u sheegay xisbigiisa Fatax in la kala dirayo golaha wasiirada, sababtuna ay tahay in Xamaas oo ay is hayaan aysan u ogolayn in ay ka hawlgalaan Qaza, halkaas oo ay Xamaas maamusho.

Warbixinada qaar ayaaba ku talinaya in lagayaabo in xukuumadu ay isku casisho saacado gudahood.

Golaha wasiirada waxaa la dhaariyay bishii lixaad ee sanadkii hore si la isugu dayo in la yareeyo is fahan la’aanta u dhaxaysa Fatax oo maamusha Daanta Galbeed iyo Xamaas.

Labada dhinac kala gooni ayay ay wax u maamulayeen tan iyo markii Xamaas ay ku guulaysatay doorashadii 2006-dii, Qaza waxaa fatax laga saaray 2007.

Inkasta oo Fatax iyo Xamaas ay si rasmi ah u heshiiyeen, laakiin kala qaybsanaan wayn ayaa sii jirtay taas oo curyaamisay siyaasaddii, sida ay ku soo waramayso wariyaha BBC Yolande Knell.

Fatax waxay Xamaas ku eedaysay in ay isku dayayaan in ay Qaza ka abuuraan dawlad Islaami ah oo madax banaan.

Xigasho: BBC

Related Articles

Norway: Hashim Abdi oo noqday Xildhibaanka ugu da’yar oo Soomaali ah

"Waa arrin aad u waalli ah. Waa sheekada Norway – in wiil ka yimid Trara uu gaaro qolka awoodda."

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 07:14AM

Waa Kuma Khalil al-Hayya: Hoggaamiyaha Xamaas ee Israel rabtay inay ku disho Weerarkii Qatar?

al-Hayya wuxuu awooday in uu si xor ah ugu safro dalalka deriska ah, taasoo u sahashay in uu ka madax bannaano xayiraadda ay Israa’iil saartay Gaza.

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 06:27AM