Xuuthiyiinta oo farriin adag u diray Maraykanka iyo Ingiriiska

Image
Xuuthiyiinta ayaa ku hanjabay inay ka jawaabi doonaan duqeymaha Maraykanka.

San’aa (GO) - Maxamad Cali Al-Xuuti oo ka tirsan golaha sare ee siyaasadda Xuutiyiinta,, ayaa farriin adag u diray Maraykanka iyo Ingiriiska.

Maxamad Cali Al-Xuuti ayaa yiri: “Waxaad tihiin [Maraykanka & Ingiriiska] ilaaliyaha aaladda burburinta ee Israa’iil, dhammaan qaybaha adduunka ayaa ka marag kacaya waxaad ka geysateen Qasa ama Yemen.”

Waxa uu intaasi ku daray, “Weerarkiinnu waxa ay sii kordhinaysaa awoodda iyo dadka Yemen ku doonayaan inay idinkaga hor yimaadaan, maadaama aad tihiin kuwii ku soo duulay dalkeena, waa inay Maraykanka iyo Ingiriisku fahmaan in aan ku jirno wakhtigii aan jawaab celin bixin lahayn”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Dadkeena waxay maanta u dagaalamayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen xasuuqa iyo go’doominta lagu hayo shacabka Qasa, Mareykanka wuxuu la dagaalamayaa oo duqeymo ku haya shacabka Yemen si ay u difaacaan dambiilayaasha argagixisada ah ee Israa’iil”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM