Xuuthiyiinta oo war ka soo saaray duqeymaha uu Mareykanka ka wado Yemen

Image
Maraykanka ayaa dhawaan beegsaday goobaha Xuutiyiinta ka soo weeraraan maraakiibta ganacsiga.

Sanaa (GO) - Afhayeenka Xuuthiyiinta, Yaxya Saree, ayaa sheegay in tirada duqeymaha Mareykanka ee ka geysteen Yemen ay gaarayaan 48, kuwaas oo lala beegsaday dhowr gobol oo ka tirsan dalkaasi.

Waxa uu intaa ku daray: "Weeraradani wax kama beddeliyaan mowqifkeena akhlaaqda, diinta iyo bini'aadantinimada ee aan ku taageerayno shacabka Falastiiniyiinta ah ee ku sugan Marinka Qasa”.

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in duqeymihii ugu dambeeyay ee dhanka cirka ee Yemen ay diirada ku saareen goobaha ay Xuutiyiinta ka soo weeraraan maraakiibta ganacsiga.

Xiisada ka taagan bariga dhaxe ayaa gashay xaalad adag tan iyo 9-kii Janaayo ee la soo dhaafay, markii ay Xuutiyiintu si toos ah u bartilmaameedsadeen markab Mareykan ah.

Xuutiyiinta ayaa horey u bartilmaameedsanayay maraakiibta xamuulka ah ee ay leeyihiin ama ay maamulaan shirkadaha Israel oo kaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM