Xuutiyiinta iyo Al-Qaacida oo ku heshiiyay inay iska kaashadaan weerarrada maraakiibta badda cas

Image
Kulamadan ayaa waxaa ka qeyb galay Culumaa’udiinka daacada u ah Xuuthiyiinta.

Sanaa (GO) - Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa shaaca ka qaaday kulamo ka dhacay magaalooyinka Sanca iyo Xudeydah oo u dhaxeeyay Xuuthiyiinta iyo xubno ka tirsan Al-Qaacidda, ujeedaduna ahayd in Al-Qaacidda lagu qanciyo ka qeyb qaadashada howlgallada ay Xuuthiyiinta ka sameynayaan badda kuna beegsanayaan danaha reer galbeedka.

Ilo wareedka ayaa xaqiijiyay in Xuuthiyiinta ay isku dayeen in ay ku qanciyaan xubnaha Al-Qaacida in ay ka qeyb qaataan fulinta howlgallada lagu beegsanayo maraakiibta, maadaama ay ka soo horjeedaan waxa ay ugu yeereen gardarrada Mareykanka.

Sida ay ku warrameen warbaahinta Carabta, Kulamadan oo ay ka qeyb galeen Culumaa’udiinka daacada u ah Xuuthiyiinta ayaa lagu qanciyay xubnaha Al-Qaacidda in ay "gutaan Waajibaadkooda sharciga ah" kana qeyb qaataan howlgallada ay Jihaadku ku tilmaameen, kuwaas oo ay isaga horkeenayaan waxa ay ugu yeereen cadowga.

Dowladda Yemen ayaa ku eedeeysay Xuuthiyiinta in ay dhawaanahan magaalada Cadan ka fuliyeen dilal qorsheysan oo ay u adeegsadeen xubno ka tirsan Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM