Xuutiyiinta oo diyaarado aan duuliya lahayn ku weeraray Israa’iil

Image

SANCA (GO) - Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay mas'uuliyadda duullaanka maanta lagu qaaday Israa'iil ka dib markii ay ciidammada Israa'iil ku dhawaaqeen in diyaarad cadow ah weerartay magaalada Eilat.

Madaxa Xukuumadda Xuutiyiinta, Cabdulcasiis bin Habtour, ayaa wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee France-Presse ku yiri: “diyaaradahan waxaa iska leh Jamhuuriyadda Yaman, oo Sanca caasimad u ah,”.

Afhayeenka ciidamada Israel Avichay Adraee ayaa dhankiisa yiri: "Iyadoo la raacayo warbixinada hordhaca ah, nidaamyada Difaaca ee ciidanka ayaa ogaaday halis ku soo wajahan dhulka Dawladda Israa'iil isla markii ayayna ka hortageen, wax halis ahna uma keenin Shacabka Israa’iil”.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sidoo kale ka soo xigatay “Radio Israa’iil” in Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn lagu soo riday badda cas, meel u dhow magaalada Eilat, halka wararka Channel 13 ay sheegayaan in diyaaradda ay sida muuqata Xuuthiyiinta Yemen soo kiciyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM