Xuutiyiinta oo gantaal ku duqeeyay dekad muhiim ah

Image
Dowladda caalamku aqoonsan yahay ayaa bayaan ku sheegtay in weerarku geystay khasaaro badan.

SANCA, Yemen - Saraakiisha Yemen ayaa sheegay in fallaagada Xuutiyiinta ee dalkaasi ay gantaal ballistic ah iyo shan diyaaradood oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ku garaaceen dekadda Badda Cas.

Sida laga soo xigtay sheegashada saraakiisha, duqeyntaas ayaa waxay burburisay bakhaarrada ay ku jireen cunooyinka gargaarka bani’aadamnimada.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee dowladda caalamku aqoonsan yahay ayaa bayaan ay soo saartay Sabtidii ku sheegtay in weerarka lala beegsaday dekedda al-Makha ee ku taal xeebta galbeed ee Yemen.

Lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah, laakiin qoraalka wasaaradda ayaa lagu sheegay in weerarku uu "burbur aad u weyn" u geystay kaabayaasha dekedda.

Sidoo kale, waxaa lagu xusay in uu gubay bakhaarradii qaar ka mid ah hay’adaha gargaarka. Ma sheegin magaca waxyaabaha xamuulka ee ku kaydsan marsadda.

Koonfur-galbeed ayaa muhiim u ah soo dejinta iyo gaarsiinta sahayda bani’aadamnimada. Dekedda ayaa la sheegay in bil ka hor dib loo furay ganacsi kadib dib u dhis iyo dayactir lagu sameeyay.

Weerarka waa kii ugu dambeeyay ee lagu eedeeyo Xuutiyiinta oo asbuucyadii dambe xoojiyey beegsiga xarumaha dowladda, iyo kaabayaasha dhaqaalah dalka ay saohdinta wadaagaan Sacuudi Carabiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha EUCOM: Mareykanku ma hayo awood ku filan oo uu ku sii difaaco Israa'iil

Hawlgallada ku dhowaad maalinlaha ah ayaa la sheegay inay si weyn u daaliyeen maraakiibta burburiyeyaasha ee ciidamada badda Mareykanka.

  • Caalamka

    01-08-2026

  • 12:21PM

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo raalli-gelin ka bixisay khariidad khaldan oo Afrika ah

Khariidadda ayaa lagu soo bandhigay shirkii AIDS 2026, waxaana lagu muujiyay lix waddan…

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:27AM