Xuutiyiinta oo gantaal ku weeraray caasimada Sacuudiga

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Qaraxyo badan ayaa xalay waxaa laga maqlay caasimada Sacuudi Carabiya ee Riyaad, iyada oo isbahaysiga milatariga ee Sucuudigu hoggaaminayo ay ku dhawaaqeen in la fashiliyey weerar gantaal oo ay ku eedeeyeen fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen.

Turki al-Malki, oo ah afhayeenka isbaheysiga uu hogaaminayo Sacuudiga, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Xuuthiyiinta ay gantaal ballistic ah u tuureen dhanka Riyadh.

Sidoo kale, saddex diyaaradood oo drones ah laguna soo xiray walxo qarxa waxay u rideen dhanka gobolka Jizan, halka midka kalana loo gannay dhanka koonfur galbeed ee magaalada Khamis ee gobolka Mushait.

Khasaare nafeed lama soo sheegin, inkasta oo telefishanka ay dawladu maamusho ee Al Ekhbariya uu sheegay in jajabkii gantaalka uu ku faafay dhowr xaafadood oo Riyaad ah, ugu yaraan hal gurina uu waxyeelleeyay.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Xuutiyiinta oo la rumeysan yahay in ay taageero ka helaan Jamhuuriyadda Iiraan.

Weeraradan ayaa yimid iyadoo Sacuudi Carabiya ay martigalisay horyaal ka tirsan Formula E oo lagu qabtay duleedka magaalada Riyaadh, taas oo warbaahinta dowladda ay sheegtay in uu ka qeyb galay Dhaxal Sugaha Boqortooyada ee awoodda badan, Maxamed Bin Salmaan.

Al Ekhbariya ayaa baahisay muuqaallo u muuqday qaraxyo laga arkayo hawadda sarre ee Riyadh. Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa sidoo kale soo dhigay muuqaallo kuwaas oo qaar kamid ah ay muujinayaan dadka degaanka oo ka qaylinaya qaraxyadda gantaaladda balastica-ga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha dalalka Muslim-ka oo ku Shiraya Doha si ay uga Jawaabaan Duqeyntii Israa’iil ee Qatar

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii si mid ah u cambaareeyay weerarka Israa’iil ku qaaday Qatar.

  • Caalamka

    14-09-2025

  • 10:37AM

Haweeneydii Ugu Horreysay oo Ra’iisul Wasaare ka Noqotay Nepal Kaddib Kacdoonkii Ka Dhanka Ahaa Musuqmaasuqa

Maalintii Talaadada, dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal dowladeed iyo xarunta baarlamaanka.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:34AM