Xuutiyiinta oo gantaalo ku dhuftay markab laga leeyahay Gariiga

Image
Markabkan oo ku safrayay calanka Jasiiradaha Marshall ayaa galley kasoo qaadey Brazil.

DOOXA, Qadar - Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa laba gantaal ku riday marinka Bab al Mandab, ee isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, sida uu sheegay taliska dhexe ee Mareykanka [CENTCOM].

"February 12-keedii saacadu markay ahayd 3:30 ilaa 3:45 subaxnimo (waqtiga Sanca), mintidiinta Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran ayaa laba gantaal ka soo riday deegaanada Xuutiyiinta Yemen ay maamulaan oo ku sii jeeday dhanka Bab al-Mandab," CENTCOM ayaa sidaas ku sheegtay X.

Qoraalka ayaa intaas ku daray: "Labada gantaal waxaa lagu garaacay MV Star Iris, oo ah markab xamuul ah oo laga leeyahay Gariiga, isla markaana sita calanka Jasiiradaha Marshall".

"Markabka wuxuu ku sii jeeday badda cas, isagoo galley ka soo qaaday Brazil," ayuu raaciyay CENTCOM oo Mareykanka u qaabilsan howlgaladda Bariga Dhexe.

Taliska CENTCOM oo qoraalkiisa ku qornaa luuqad adag ayaa waxa uu intaas ku dartay in markabka uu yahay mid u qalma in uu soo gaaro burbur yar oo aan wax dhaawac ah soo gaarin shaqaalihii markabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM