Xuutiyiinta oo khalkhal geliyay amniga Badda Cas iyo marinka Bab al-Mandab

Image
Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Britain ayaa ka jawaabay weerarro dhowr ah oo ay geysatay kooxda hubeysan.

LONDON, UK - Markabka xamuulka Giriigga ee Sea Champion ayaa si nabadgelyo ah ku soo gaaray dekedda koonfureed ee Yemen ee Cadan Talaadadii.

Tani ayaa ka dambeysay kaddib markii lagu weeraray Badda Cas, weerarkaas oo u muuqday mid gantaal oo si qalad ah ay u rideen Xuuthiyiinta, sida ay sheegeen ilo maraakiibta iyo milatari.

Khatarta ay wajahayaan maraakiibta ayaa sii kordhaysa sababo la xiriira weerarro joogto ah oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo ay Xuuthiyiinta Iran taageerto ka geysteen Badda Cas iyo marinka Bab al-Mandab tan iyo bishii November.

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Britain ayaa ka jawaabay weerarro dhowr ah oo ay ku qaadeen goobaha Xuuthiyiinta balse ilaa iyo hadda kuma guuleysan inay joojiyaan weeraradaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM