Xuutiyiinta oo markab Ingiriiska laga leeyaahay u afduubtay Qasa awgeed

Image

SANAA (GO) - Israa’iil ayaa xaqiijisay in kooxda Xuutiyiinta ay gacanta ku dhigeen markab xamuul, oo ay sheegeen in laga leeyahay Ingiriiska iyo Jabbaan, kuna sugneedleeyahay koonfurta Badda Cas, iyagoo ku tilmaamay dhacdadan “fal argagixiso oo ay ka dambeyso Iran” kaas oo saameyn ku yeelan doonta ammaanka baddaha caalamiga ah.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa xafiiska ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegtay in markab la afduubtay, iyadoo aan la sheegin magaciisa.

Xafiiska Netanyahu ayaa intaa ku daray: "Ma jirin wax Israa'iili ah oo saarna markabka," isaga oo sharxaya in Israa'iil aysan ka qayb ahayn lahaanshiyaha ama hawlgalka markabka.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, ayuu yiri, “Tani waa fal argagixiso oo ka dhigan kor u kaca gardarrada Iran ee ka dhanka ah muwaadiniinta dunida xorta ah, waxaanay saamayn caalami ah ku leedahay ammaanka marinnada maraakiibta caalamiga ah”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM