Xuutiyiinta oo sheegay inay beegsadeen markab laga leeyahay dalka Maraykanka

Image
Afhayeenka Xuutiyiinta ayaa sheegay in weerarada kooxda ay sii kordhi doonaan inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Sancaa (GO) - Xuutiyiinta Yemen ayaa ku dhawaaqay maanta in ay beegsadeen waxa ay ku sheegeen Markab laga leeyahay Maraykanka laguna magacaabo Pinocchio, kas oo marayey badda cas.

Afhayeenka Xuutiyiinta Yahya Sariic ayaa sheegay in weerarada kooxda ay sii kordhi doonaan inta lagu guda jiro bisha Ramadaan si ay u difaacaan Shacabka ku sugan marinka Qasa.

Docda kale, Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in Xuutiyiinta ay soo rideen labo gantaal oo ah nooca lidka maraakiibta, kuwaas oo laga soo riday deegaanada ay ka maamulaan Yemen.

Waxay intaasi ku daray in markabkaasi laga leeyhay dalka Singabuur, wuxuuna siday calanka dalka Liberia, waxaayna ku nuux-nuuxsaday inaysan jirin wax khasaare ah oo naf iyo maalba toona.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM