Xuutiyiinta Yemen oo duqeeyay markab laga leeyahay Mareykanka

Image
Markabkan ayaa markii la bartilmaameedsanayay waxa uu marayey Gacanka Cadmeed.

DOOXA, Qadar - Taliska Dhexe ee Milliteriga Maraykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in Xuutiyiintu ay Gantaalka Ballistic-ga ee lidka Maraakiibta ku dhufteen Markab Shidaal oo laga leeyahay Maraykanka.

Markabkan ayaa markii la bartilmaameedsanayay waxa uu marayey Gacanka Cadmeed. CENTCOM ayaa waxa uu sheegay in gantaalku seegay oo uu ku dhacay biyaha.

CENTCOM waxay sidoo kale xustay inay soo ridday laba "weerar hal dhinac ah oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn" ee koonfurta Badda Cas, halka mid saddexaad oo UAV ah uu burburay.

Xuutiyiinta Yemen ayaa tan iyo bishii November weerar ku hayay maraakiibta ku sugan badda cas iyo gacanka Cadmeed iyaga oo ka mudaaharaadaya dagaalka Israa’iil ka waddo dhulka Falastiin ee Gaza

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM