Xuutiyiinta Yemen oo Sheegaya in Ra'iisul Wasaaraha iyo Wasiirro ku Dhinteen Duqeyn Israa'iil

Image

Dagaalyahannada Xuutiyiinta ee Yemen ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha iyo dhowr wasiir oo ka tirsan dowladooda ay ku dhinteen duqeyn ay diyaaradaha dagaalka Israa’iil ku qaadeen Khamiistii.

War saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Xuutiyiinta ayaa lagu sheegay, “Waxaan ku dhawaaqeynaa shahiidnimada Ra’iisul Wasaaraha Mujahid Axmed Gaalib al-Rahwi… iyo sidoo kale dhowr wasiir oo kala ah.” Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in wasiirrada la beegsaday inta lagu guda jiray "siminaar caadi ah oo ay dowladda Xuutiyiinta ku qabanayso qiimeynta waxqabadka iyo wax soo saarka sannadka hore."

Dowladda Israa’iil kama aysan jawaabin arrintan si degdeg ah, laakiin mas'uuliyiinta Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadooda milatariga ay bartilmaameedsadeen hoggaamiyeyaasha Xuutiyiinta, kadib markii kooxda Xuutiyiinta ay gantaal ku fidiyeen oo ay ku jiray nooc cusub oo waxyaabaha burburinaya (cluster sub-munitions).

Kooxda Xuutiyiinta ayaa sidoo kale bartilmaameedsanaysay maraakiibta ku socda Badda Cas, iyagoo muujinaya taageero ay u hayaan Falastiiniyiinta kadib weerarkii 7-dii Oktoobar. Xuutiyiinta ayaa sidoo kale fidiyeen gantaalo badan oo ay ku beegsanayeen Israa’iil, inkastoo badankood la fashiliyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM