Yahuuda iyo Imaaraadka Carabta oo ku dhawaaqay wada-shaqeyn

Image

WASHINGTON, US - Shirkado ku yaalla Imaaraadka Carabta iyo Isarel ayaa xooggooda isugu gayn doono cilmi-baarista iyo horumarinta teknoolajiyad lagula dagaalamayo cudurka Coronavirus, waxaa sidaas Khamiistii ku dhowaaqay labada dal oo aan lahayn wax xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah.

Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa shaaca ka qaaday warka wada-shaqeynta u dhaxeysa dalka Yahuudda iyo Dalka Carbeed, kadib “xiriiro dheer oo xasaasi ah”.

“Wada-shaqeyntan waxay ku saabsanaan doontaa agga cilmi-baarista iyo horumarinta teknoolajiyadda, taasi oo horumarin doonto amniga caafimaadka gobolka,” ayuu Netanyahu ku yiri bayaan uu soo saaray.

Saacado kadib, wakaaladda wararka u faafisa Imaaraadka Carabta ee magaceeda loosoo gaabiyo WAM ayaa xaqiijisay qorshahan.

“Laba shirkadood oo gaar loo leeyahay oo ku yaalla Imaaraadka ayaa heshiis la galay laba shirkad oo laga leeyahay Israel si ay u horumariyanaan cilmi-baaris iyo teknoolajiyad lagula dagaalamo COVID-19,” ayey tiri WAM.

Lama shaacin magacyada labada shirkad iyo faah-faahino intaas dheer. Marka laga reebo dalalka Masar iyo Jordan, dalalka Carabta wax xiriir rasmi ah lama lahan Israel.

Hase yeeshee dalalka Carabta ee Khaliijka, oo Imaaraadka Carabta ay ku jirto, ayaa sanadihii tegay waxay xiriiro aan rasmi ahayn la sameysanayeen Israel oo wadaagaan walaac la xiriira Iran, oo Israel ay u aragto cadowgeeda koowaad.

“Hadba sida aan u xoogganahay ayaan awood ugu yeelan doonnaa inaan iska leexino cadawgeena oo aan soo dhoweysano saaxiibadeenna,” ayuu Netanyahu ku yiri bayaanka uu soo saaray.

Hadalka Netanyahu ayaa yimid maalmo un ka hor xilliga la filayo in Israel ay billowdo qorshe Mareykanka uu taageerayo oo ay ku goosaneyso qeybo ka mid ah dhulka Daanta Galbeed ee ay haysato iyo Dooxada Jordan, talaabadaas oo ay si weyn uga digeen ururo, hay'addo iyo qaar kamid ah dowladdaha Islaamka.

GO + VOA

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM