Yahuuda iyo Xisbulah oo is-dhaafsaday in ka badan 400 gantaal

Image
Waa weerarkii ugu cuslaa oo dhinacyadda dhexmaray muddo saacado gudaheeda taariikhda.

DOOXA, Qadar - Milatariga Israa’iil ayaa 400 oo weerar ku qaaday Lubnaan, Xisbullah ayaa gantaallo ku garaacday saldhigga Ramat David oo u dhow magaalada Haifa, taasoo ah tii ugu ballaarneyd ee ay isweydaarsadaan tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza.

Ciidamada Israel oo aad u hubaysan, wajiyada soo duubtay ayaa weeraray xafiiska Al Jazeera ee Ramallah oo ku yaala magaalada la haysto ee Daanta Galbeed ee Ramallah waxayna soo rogeen xidhitaan 45 maalmood ah dadaalkoodii ugu dambeeyay si ay u yareeyaan baahinta shabakada.

Dhanka kale, 7 qof oo kale oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Qaza ka dib markii ay Israa’iil weerartay saaka.

Hay’adda Bisha Cas ee Falastiin (PRCS) ayaa meydadka afar dhibane ka soo saartay deegaanka al-Attatirah ee bariga Rafah ee koonfurta Qaza ka dib duqeynta Israel, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Wafa.

Laba qof oo kale ayaa lagu dilay deegaanka Khuza’a ee bariga Khan Younis ka dib markii lala beegsaday madaafiic.

Qof kale oo Falastiini ah ayaa dhintay kadib markii Quadcopter Israel ay rasaas ku fureen dad rayid ah oo ku sugnaa galbeedka xerada qaxootiga ee Nuseirat ee bartamaha Gaza.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM