Yahuuda oo amartay in ay Gaza ka barakacaan in ka badan 100,000 qof

Image
Qaramada Midoobay ayaa walaac xooggan waxa ay ka muujisay amarkan naxdinta leh.

DOOXA, Qadar - Farhan Haq, oo ah ku xigeenka afhayeenka Qaramada Midoobay, ayaa u sheegay war-fidiyeenka in amarrada daadgureynta ee ay Israa'iil kusoo rogtay waqooyiga Qaza "ay sababeen barakaca ilaa 100,000 oo qof ilaa hadda".

Xaq ayaa waxa uu daaha ka qaadey in dadka ka soo qaxay woqooyiga ay gaarayaan ku dhawaad ​​360,000 oo qof oo ka tagay magaalada koonfureed ee Rafah.

"Waxaan si qoto dheer uga walaacsanahay ilaalin la'aanta rayidka - iyo badbaado la'aanta hawlaha bani'aadamnimada," ayuu hoosta ka xariiqay afhayeenku.

Marka loo eego xeerarka bini'aadantinimada caalamiga ah, wuxuu ku nuuxnuuxsaday, "dadka rayidka ah waa in la ilaaliyaa oo la daboolaa baahiyahooda aasaasiga ah, hadday guurayaan iyo haddii ay joogaan" iyo "kuwa baxaya waa inay helaan wakhti ku filan oo ay sidaas ku sameeyaan, iyo sidoo kale waddo nabdoon iyo meel ammaan ah oo ay maraan".

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini'aadantinimada OCHA ayaa horey u sheegtay in boqolkiiba 20 dadka Gaza ee in ka badan 2 milyan oo qof ay mar kale barokaceen todobaadkii hore sababo la xiriira xoojinta hawlgallada milatari ee Israel.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM