Yahuuda oo dad horleh laysay xilli ay ka cagajiideyso xabad-joojinta Gaza

Image
Wakiiladda Israel ayaa waxa ay diideen soo jeedintoodii ugu dambeysay ee xabbad joojinta.

DOOXA, Qadar - Ciidamada Israel ayaa duqeeyay guri ku yaala Deir al-Balah oo ku yaala bartamaha Qaza, halkaasi oo ay ku dileen ugu yaraan 7 falastiiniyiin ah, waxayna mar kale rasaas ku fureen dad gargaar u soo doontay waqooyiga magaalada Gaza, halkaasi oo ay ku dileen 19 qof oo kale.

Dadaallo dhex dhexaadin ah oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dhiigga ku daadanaya Qaza ayaa u muuqda mid daalaa dhacaya, iyadoo sarkaal ka tirsan Xamaas uu Al Jazeera u sheegay in wakiiladda Israel ay diideen soo jeedintoodii ugu dambeysay ee xabbad joojinta.

Dhanka kale, Taliska dhexe ee militariga Mareykanka ayaa sheegay in ciidamadoodu ay "ku hawl galeen" lix diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ee Xuuthiyiinta ah oo dul heehaabayay koonfurta badda cas Sabtidii.

"Shan ayaa ku burburtay badda cas mid kalena wuxuu u duulay gudaha dhulka Xuutiyiinta ee Yemen," CENTCOM ayaa ku tiri qoraal ay soo dhigtay barta X ee loo yaqaanay Twitter.

Goob joogayaal ku sugan magaalada Gaza ayaa Al Jazeera u sheegay in ciidamada Israa’iil ay mar kale rasaas ku fureen dad Falastiiniyiin ah oo gargaar sugayay. Xafiiska warbaahinta Gaza ayaa sheegay in weerarka ay ku dhinteen ugu yaraan 19 qof.

Alaa al-Khudary, oo ah goob-jooge ku sugnaa goobta uu shilku ka dhacay, ayaa Al Jazeera u sheegay in ciidamada Israa’iil ay rasaas ku fureen dadkii isugu soo baxay, “kuwo badan ayaa dhintay” kuwa kalena ay ku dhaawacmeen iyagoo isku dayaya in ay u helaan “qaniinyo ay cunaan” carruurtooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM