Yahuuda oo laga dalbadey in ay bixiso magta burburinta Gaza

Image
Mas'uuliyiinta Falastiin ayaa arrinkan waxa ay kala hadleen dowladda Japan.

DOOXA, Qadar - Mas'uuliyiinta Falastiin ayaa dalbaday in Israa’iil ay qaado culayska dhaqaale ee dib u dhiska Qaza iyo in ay muujiso ka go’naansho weyn oo lagu ilaalinayo xalka labada dal.

“Israa’iil waa in lagula xisaabtamaa burburka iyo khasaaraha ay u geysatay Marinka Gaza, ayna la wareegto mas’uuliyadda dib u dhiskeeda,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Mohammad Shtayyeh.

Shtayyeh ayaa hadalkan waxa uu ka dhaqaajiyay xilli uu ka hadlayay kulan uu magaalada Ramallah kula qaatay wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Japan, Tsuji Kiyoto.

Xukuumadda Shtayyeh ayaa noqon doonta maamul ku meel gaar ah ilaa laga soo dhisayo dowlad cusub kadib markii uu is casilay Isniintii todobaadkan sababo ku aadan duqeymaha Yahuuda.

Shtayyeh ayaa sidoo kale dhaleeceeyay ficilada Israa’iil, isagoo sheegay in “ay ku kacday xadgudubyo ba’an oo ka dhan ah dadka reer Falastiin una dhaqantay sidii inuusan qaban wax sharci ah".

Sidoo kale, waxa uu carabka ku adkeeyay in "mudnaanta ay tahay in la joojiyo gardarada ka dhanka ah dadkeena ku sugan Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed, oo ay ku jirto Qudus, iyo in la furo marino badan oo marinka Gaza si loogu ogolaado gargaar bini'aadantinimo iyo caafimaad oo degdeg ah."

Shtayyeh ayaa sidoo kale u ololeeyay "dadaal dheeri ah oo lagu ilaalinayo xalka labada dowladood iyo hirgelinta dhulka, taas oo lagu gaarayo iyada oo la soo afjarayo in Qudus tahay caasimada Yahuuda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM