Yahuuda oo shacab horleh ku laysay duqeyn ka dhacdey Gaza

Image
Dhowr qof oo kale ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarro ay Israa'iil ku qaadday laba guri.

DOOHA, Qadar - Ugu yaraan saddex Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha Israa’iil ka geysteen magaalada Khan Younis ee koonfurta Qaza, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Wafa.

Yassin Muhammad al-Amour, Mahmoud Adel al-Najjar, iyo wiilkiisa Adel ayaa lagu dilay weerarka ka dhacay magaalada al Fukhari.

Dhowr qof oo kale ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarro ay Israa'iil ku qaadday laba guri oo ku yaalla xaafadaha Tuffah iyo al Shujaiya.

Ciidamada Israel ayaa sidoo kale duqeeyay xaafadda Zeitoun, aagaga waqooyi ee xerada Nuseirat, meelo badan oo ka tirsan Deir al Balah, magaalada Al-Masdar, iyo xerada Maghazi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM