Yahuuda oo todobaadii labaad duqeyneysa magaalada Gaza

Image

GAZA, Falastiin - Duqeymaha Yahuuda ee dhulka Falastiin ayaa galay todobaadii labaad. Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu wuxuu ku goodiyey in ay sii wadayaan beegsiga Gaza.

Warar qaar ayaa xusaya in Israa'iil ay diidey xabad-joojin ay ogolaatay Xamaas kadib soojeedin ka timid wafdi ka socday Masar oo booqdey caasimada Yahuuda ee Tel Aviv.

Illaa hadda, weerarada Israel ee magaalada Qasa oo bilowday Axada todobaadkii lasoo dhaafay waxaa ku nafwaayey ku dhowaad 150 qof, iyaddoo dhaawaca boqolaal yahay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya, Amiir Faisal bin Farhan Al Saud, ayaa cambaareeyay "xadgudubyada cad" ee Israel ay ku hayso xuquuqda shacabka Falastiiniyiinta.

Diblumaasiga ayaa wuxuu ugu baaqay Beesha Caalamka in ay si deg deg ah wax uga qabato sidii loo joojin lahaa howlgalada milatari ee dhimashada badan dhaliyay ee Marinka Gaza.

Geesta kale, booliska Kashmir gaar ahaan qeybta ay Hindiya maamusho ayaa xiray ugu yaraan 20 qof, oo uu ku jiro wadaad caan ah kaasoo u duceeyay Falastiin iyo farshaxamiiste sameeyay sawir uu ku taageeray shacabka Falastiin.

Qoyska 32-jir Mudasir Gull waxay mas'uuliyiinta ku eedeeyeen faafreebid iyo ku xadgudbida xorriyadda fekerka, iyaga oo cod dheer ku dalbadey in uu xorriyadiisa ku helo si shuruud la'aan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM