Yemen: hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Al-qaacida oo duqeyn lagu diley

Image

April 15, 2015 (GO)- Hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Al-qaacidada dalka Yemen ayaa lagu diley duqeyn la sheegay inay fuliyaan diyaaradaha bilaa duuliyaha ah ee Maraykanku.

Hoggaamiyahan oo lagu magacaabi jirey  Ibrahim al-Rubaish una dhashay dalka Sucuudiga, waxaa geeridiisa xaqiijiyey kooxda uu ka tirsanaa.

Farriin qoraal ah oo lagu baahiyey internetka ayey kooxdu ku sheegtay in Ibrahim al-Rubaish lagu diley duqeyn dhanka cirka ah inkastoo aan la shaacin xilliga iyo goobta ay duqeyntu ka dhacday.

Dowladda Marayakanka iyo laamaha ammaanka ee Yemen ilaa iyo hadda kama soo bixin wax war ah oo ku saabsan dilka Ibrahim al-Rubaish.

Ninkan oo muddo labaatan sano ka badan ka tirsanaa Al-qaacida waxaa si weyn u raadinayey dowladaha Maraykanka iyo Sacuudiga.

Maraykanka ayaa horay lacag dhan konton milyan oo doolar ugu ballan qaaday ciddii keenta xog sahleysa soo qabashada ama dilka  Ibrahim al-Rubaish.

Xaaladda dalka Yemen ayaa farha kasii baxaysa marba marka kadambeysa, xilli inta badan gobolallada dalkaas ay gacanta ku hayaan mileeshiyaadka Xuuthiga qaybo kale oo dalkaas ka tirsanna maamulaan kooxo xagjir ah oo xiriir laleh Al-qaacida.

Sucuudiga iyo xulafadiisa ayaa iyaguna weli sii wada duqeymaha dhanka cirka ee ay la beegsanayaan fariisimaha mileeshiyaadka Xuuthiga iyo ciidamada daacadda u ah madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdallah Saalax.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: In dagaalka Iran sii socdo waxaan ka doorbidayaa heshiis

Trump ayaa sheegay in saraakiisha Iran ay la soo xiriireen maamulkiisa ayna dalbadeen in la wada hadlo.

  • Caalamka

    06-08-2026

  • 07:11AM

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM