Yemen oo Golaha Ammaanka ka dalbatey faragelin militeri

Image

March 25, 2015 (GO)- Madaxweynaha Yemen Abd-Rabbu Mansour Hadi ayaa ka dalbadey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey inuu oggolaado faragelin militeri oo wadamada derisku ku sameeyaan dalka Yemen.

Warqad uu Madaxweyne Hadi u qoray xubnaha Golaha Ammaanka oo nuqul kamid ah warbaahintu heshay ayaa lagu sheegay in dhamman dadaalladii nabadeed ee la doonayey in lagu qaboojiyo xiisadda dalka Yemen ka taagani ay fashilmeen, sidaas darteedna loo baahan yahay faragelin militeri oo ka timaada dhanka wadamada Khaliijka iyo dalalka kale ee caalamka.

Dhanka kale, waxaa jira dhaq dhaqaaq ciidan oo militeriga dalka Sucuudigu ka wadaan xadka u dhexeeya Yemen iyo Sucuudiga.

Haddii Golaha Ammaanku ogolaado dalabka dowladda Yemen, waxaa suurogal ah in ay dalka Yemen tagaan ciidamo isku-dhaf ah oo ka socda dalalka ku bahoobey Khaliijka Carabta.

Mileeshiyaadka Shiicada ah ee Xuuthiga oo la rumeysan yahay inay taageero dhaqaale iyo mid militeriba ka helaan dalka Iran ayaa qabsadey magaalooyin muhiim ah oo Sanca iyo Ticiz kamid yihiin.

Madaxweynaha Yemen iyo mas'uuliyiin badan oo dowladda ka tirsan ayaa xilligan ku sugan magaalada Cadan, halkaasoo xarun kumeel gaar ah dowladda u noqotey kadib markii mileeshiyaadka Xuuthigu la wareegeen magaalada Sanaca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM