Yurub oo dib u celinaysa qaxootiga dhaqaale doonka ah

Image

25 August, 2015 (GO)- Madaxa arrimaha socdaalka waddamada reer Yurub ayaa ballan qaaday dagaal ka dhan ah kooxaha dadka tahriibiya, waxa uuna wacad ku maray in dib loo celin doono muhaajiriinta Yurub u yimid arrimo dhaqaale oo kaliya awgood.

Haseyeeshee waxa uu sheegay in in tobanaanka kun ee qof ee ka soo cararaya meelaha ay colaadda ka jirto ay xaq u leeyihiin in ay Yurub sii joogaan.

Cadaadiska iyo dhibaatada ka dhalatay dadka tirada badan ee magangelyada u soo raadsanaya waddamada reer Yuurb ayaa waxa ka dhalatay walaac ay qabaan waddamo badan.

Balse madaxa arrimaha socdaalka ee midowga Yurub ayaa sheegaya in midowga yurub ay saaran tahay mas'uuliyadda ah in uu caawiyo muhaajiriinta, taasi oo laga yaabo in waddamada qaar ayba haatan sameynayaan wax ka badan awoodooda.

Dimitris Avramopoulos ayaa waxa uu sheegayaa in uu farqi u dhaxeeyo dadka magangelya doonka ah ee ka soo cararay waddamad sida Suuriya, Libya iyo Eretria iyo kuwa yurub u yimid arrimo dhaqaale oo kaliya.

Waxa uuna intaasi ku daray in muhaajiriintu doonaya noolal ka wanaagsan tan ay waddamadooda ku haysataan oo kaliya ay tahay in dib loogu celiyo waddamadooda.

Si wax looga qabto arrinta muhaajiriinta yurub ku sii qul-qulaya ayaa Mr Avramopoulous waxa uu ballan qaaday dagaal ka dhan ah kooxaha abaabulan ee dadka tahriibiya, inkastoo uu haddana qirayo in dhibaatada ka dhalatay muhaajiriinta ay suurtagal tahay in ay saameyn ku sii yeelato yurub muddo sanado ah.

Xigasho:BBC

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM