Zelensky oo codsaday in la difaaco si la mid ah Israa’iil

Image
Ciidamada Ruushka ayaa mowjado cusub oo weeraro ah ku qaadaya bariga Ukraine.

Kiev (GO) - Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa cambaareeyay weerarka Iran ay ku qaaday Israel, wuxuuna sheegay in dalkiisa uu u baahan yahay caawinta xulafadiisa si looga hortago khataraha dhanka cirka ah, si la mid ah Israa’iil.

Zelensky wuxuu ku celiyay baaqiisii ​​ahaa in Congress-ka Mareykanka uu ansixiyo xirmo gargaar ah oo muhiim ah oo ay curyaamiyeen khilaafaadka siyaasadeed muddo bilo ah.

Ciidamada Ruushka ayaa mowjado cusub oo weeraro ah ku qaadaya bariga Ukraine, iyadoo ay sii xoogeysatay weerarada maalinlaha ah ee ka dhanka ah magaalooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha Ukraine.

Zelensky ayaa yiri "Ficillada Iran waxay halis ku yihiin gobolka oo dhan iyo adduunkaba, sida la mid ah Ruushka, iskaashiga u dhexeeya labada maamul waa in lala kulmo si adag iyo jawaab mideysan oo ka timaada caalamka.”

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM