Zelensky oo ku dhawaaqay tirada askarta Ukraine looga dilay dagaalka

Image
Hogaamiyaha Ukraine ayaa dhanka kale diiday inuu ka hadlo tirada dhaawaca.

Kiev (GO) - Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa markii ugu horeysay ka hadlay tirada ciidamada dalkiisa kaga dhintay dagaaladii ay la galeen Ruushka.

Zelensky ayaa ku qiyaasay tirada dhimashada ciidamada Ukraine in ka badan 31,000 oo askari, halka uu diiday inuu ka hadlo tirada dhaawaca, isagoo sheegay in faahfaahinta noocaas ah "ay caawin karto Ruushka."

Laakiin tirada uu shaaciyay Zelensky ayaa aad uga hooseeya sheegashada Ruushku, waxayna sidoo kale ka hooseeyaan qiyaasaha xulafadiisa reer galbeedka.

Saraakiisha Mareykanka ayaa shaacayay dilka 70,000 oo askari oo Ukrain ah iyo dhaawaca 120,000 oo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM