Zohran Mamdani oo la filayo inuu noqdo Duqa ugu horreeya ee Muslim ah ee New York: Taariikh cusub
New York – Zohran Kwame Mamdani, oo ah xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ee gobolka New York, ayaa si weyn uga adkaaday horey u ahaan jiray guddoomiyihii gobolka Andrew Cuomo doorashadii hordhaca ahayd ee xisbiga Dimoqraadiga, taas oo dhabbaha u xaaraysa inuu noqdo musharraxa xisbiga ee duqa magaalada New York bisha Noofambar.
Guushan oo loo arko mid taariikhi ah ayaa Mamdani ka dhigtay Muslimkii ugu horreeyey ee fursad weyn u heysta inuu hogaamiyo magaalada ugu weyn Mareykanka. Mamdani, oo 33 jir ah, ayaa sheegay in guushiisu muujinayso rabitaanka shacabka ee isbeddel dhab ah.
“Caawa waxaan sameynay taariikh. New Yorkers waxay u istaageen inay doortaan magaalo ay awoodaan inay ku noolaadaan, magaalo aysan ku dhibtooneyn ee ay ku heli karaan nolol deggan,” ayuu yiri Mamdani oo ay taageerayaashiisu u sacbinayeen.
Waa kuma Zohran Mamdani?
Mamdani wuxuu ku dhashay Kampala, caasimadda Uganda, sanadkii 1991. Waalidkiis waxay asal ahaan ka soo jeedaan Hindiya. Hooyadiis waa filim sameeyaha caan ah Mira Nair, halka aabihiis, Professor Mahmood Mamdani, uu ka yahay macallin jaamacadeed Columbia University ee New York.
Wuxuu ku soo barbaaray Cape Town, Koonfur Afrika, balse wuxuu yimid magaalada New York isagoo 7 jir ah. Waxbarashadiisa sare wuxuu ka dhigtay Bronx High School of Science, ka dibna wuxuu shahaadada koowaad ku qaatay Africana Studies jaamacadda Bowdoin College ee Maine. Wuxuu noqday muwaadin Mareykan ah sanadkii 2018, waxaana loo doortay golaha deegaanka New York 2020.
Wuxuu guursaday Rama Duwaji, oo ah fanaaniad reer Suuriya ah oo ku nool Brooklyn.
Aragtidiisa siyaasadeed
Mamdani wuxuu isu arkaa “democratic socialist”, isagoo siyaasaddiisu xoogga saarto arrimaha bulshada sida kirada guryaha, gaadiidka dadweynaha, iyo qiimo dhaca nolosha.
Wuxuu ballan qaaday inuu:
Joojin doono kororka kirada guryaha ee la xakameeyo.
Bilaash ka dhigi doono dhammaan basaska magaalada New York.
Bilaabi doono barnaamij daryeelka ilmaha bilaash ah dhammaan carruurta da’doodu u dhaxeyso 6 toddobaad ilaa 5 sano.
Dhisi doono 200,000 oo guryo cusub ah oo la awoodi karo.
Furi doono suuqyo raashin oo ay maamusho dowladda hoose si qiimaha loo dhimo.
Mowqifkiisa Falastiin iyo Israa’iil
Mamdani wuxuu si cad u taageeraa Falastiiniyiinta, wuxuuna cambaareeyaa weerarrada militari ee Israa’iil. Wuxuu taageeray dhaqdhaqaaqa BDS (Boycott, Divestment and Sanctions) iyo joojinta maalgelinta Mareykanku siiyo Israa’iil.
Sanadkii hore, wuxuu ku biiray cunto-joojin ka dhacaysay bannaanka Aqalka Cad isagoo codsanaya xabad joojin Gaza. Waxa kale oo uu sheegay inuu diyaar u yahay in la xiro Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu haddii uu yimaado New York, iyadoo ICC ay ku soo oogtay dambiyo dagaal.
Qoyskiisa waxay sidoo kale u ololeeyaan Falastiin. Hooyadiis, Mira Nair, waxay diiday martiqaad ay uga qayb gali lahayd xaflad filimeed oo ka dhacaysay Israa’iil 2013, iyadoo tiri: "Waxaan tagi doonaa marka darbiyada la dumiyo."
Mamdani wuxuu taageero xoog leh ka helay Senator Bernie Sanders iyo kooxaha u dooda Falastiiniyiinta sida Jewish Voice for Peace Action.
Doorashada guud ee duqa magaalada New York waxay dhici doontaa 4-ta Noofambar, waxaana la filayaa in Mamdani uu yahay musharraxa ugu cadcad maadaama magaalada New York ay u badan tahay codbixiyeyaasha xisbiga Dimoqraadiga.
Haddii uu guuleysto, Zohran Mamdani wuxuu noqon doonaa duqii ugu da'da yaraa ee magaalada New York tan iyo Bloomberg, iyo Muslimkii ugu horreeyey ee qabta xilkan. Guushiisu waxay astaan u noqon doontaa isbeddel weyn oo ka socda siyaasadda Mareykanka.
GAROWE ONLINE