Caruur naf-weysay dab qabsaday dugsi Quraan ku yaala Liberia
MONROVIA, Liberia – Tobanaan caruur ah ayaa ku geeriyootay markii dab uu qabsaday dugsi diimeed ku yaala Paynesville, oo dhacda duleedka caasimadda Liberia ee Monrovia.
"Caruurta ayaa baranayey Qur'aan markii uu dabku kacay," ayuu yiri Moses Carter, oo ah afhayeen u hadlay booliska.
Gaadiidka dab-damiska ayaa la sheegay in ay durbiiba ay sameeyeen gurmad degdeg ah oo ay uga jawaabayaan xaaladda.
"Khasaaraha saxda ah illaa iyo haatan ma ahan aad loo hubo," ayuu ku daray, isaga oo gaarsiiyey llaa iyo 30 dhimasho ah.
Wakaaladda wararka ee AFP ayaa xafiiska madaxweynaha kasoo xigatay in dabka uu naf-gooyay ugu yaraan 26 caruur iyo laba macalin.
"Qoysaska waxay u tahay waqti adag iyo dhamaan dadka reer Liberia," ayuu Twitter-ka soo dhigay madaxweyne George Weah oo tacsi diray.
Sikastaba ha ahaatee, baaritaan ayaa la tilmaamay in uu ku socdo waxa dhaliyey dabka, oo la sheegayo in uu ahaa mid aad u xoogan, isla markaana uu burbur maaliyadeed uu sababay.
GAROWE ONLINE