Codeynta qofka noqonaya Raisulwasaaraha UK oo soo idlaatay

Image

LONDON, UK- Waxaa soo gabogaboobay codeynta xubnaha xisbiga Shaqaalaha Ingiriiska ay u codeynayeen qofka noqonaya Raisulwasaaraha cusub ee dalkaasi ee badelaya kii xilka ka dagay Boris Johnson.

Waxaa ku loolamaya Lizz Truss iyo Rishi Sunak oo labaduba ka wada tirsanaa golaha wasiiradda ee Johnson.

Sida ay tabinayso warbaahinta Ingiriiska, waxaa cadcad oo ay u badantahay in la doorto Lizz Truss oo ahayd wasiirkii Arrimaha dibedda, inkasta oo uu Mr Sunak haysto taageerada inta badan mas’uuliyiinta xisbiga.

Qofka soo baxa ayaa maalinta isniinta u safri doona Gobolka Scotland si uu boqoradda uga helo idinka in uu soo dhiso gole wasiiro. Boqoradda ayaa halkaasi ku nasanaysa, kana maqan qasriga Burkinghum Palace.

Labada musharax ayaa mid kasta waxa uu ku ololeeyay in uu wax ka qaban doono dhaqaalaha dalka, isla markaasna samayn doono canshuur dhimis.

Haddii ay dhacdo in la doorto Rishi Sunak waxay noqonaysaa markii koowaad oo uu Raisulwasaare Ingiriiska ka noqdo qof kasoo jeeda dadka laga tirada badanyahay.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madasha Somali Business oo si rasmi ah looga daahfuray Muqdisho [Sawirro]

Xafladdan waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday dowladda, ganacsatada, khubaro dhaqaale.

  • Wararka

    07-08-2025

  • 07:16PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM