Dowladda Britain oo safiir cusub usoo dirsaneysa Soomaaliya

Image

March 17, 2015 (GO)- Dowladda Britain ayaa safiir cusub usoo magacawdey dalka Soomaaliya. Safiirka cusub oo lagu magacaabo Ms Harriet Mathews  ayaa bedeli doonta danjirihii hore Mr Neil Wigan.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaradda Arimaha Dibadda Britain ayaa lagu sheegay in Harriet Mathews xilka si rasmi ah ula wareegi doonto marka la gaaro bisha June ee soo socota.

Ms Mathews oo ah qof aqoon duruqsan u leh arimaha Afrika ayaa waxaa ay ka soo shaqeysay sadex goobood oo Qaaradda Afrika kamid, waxayna madax kasoo noqotay xafiisyada Bariga iyo galbeedka Afrika ee dowladda Uk.

Danjiraha cusub waxay sidoo kale horay usoo noqotey wakiilka xafiiska arrimaha dibadda ee UK u qaabilsan wadamada Brazil, Israel iyo Afghanistan.

Harriet Mathews markii ugu dambeysey waxay madax ka aheyd waaxda la dagaalanka cudurka Ebola ee Wasaaradda Arimaha Dibadda Britain.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM