Dr. Cabdullaahi Dheere oo qaatay shahaadada cilmi-baarista ee PHD

Image
Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa kamid ah dadkii ugu dambeeyay ee qaatay shahaadan.

NAIROBI, Kenya - Dr. Cabdullaahi Dheere (Ugaas) oo kamid ah saraakiisha ciidamadda dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan Hay'adda Nabad-sugida ayaa waxa uu qaatay shahaadada PHD.

Ugaas ayaa waxa uu horay usoo noqday agaasimaha waaxda dabagalka ee hey’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya xilligii Madaxweyne Farmaajo.

Sarkaalkan oo shaqeynayay mudadii u dhaxeysays sanadihii 2015 illaa 2022 ayaa shahaadada PHD ka qaatay jaamacadda Islamic University of Minnesota ee dalka Mareykanka.

Sida laga soo xigtay shakhsiyaad ku dhaw Cabdullaahi, waxaa uu muddooyinkii dambe ka dhex-baxay howlaha ammaanka isaga oo ku mashquulsanaa cilmi-baaris iyo hawlo waxbarasho.

Cabdulaahi ayaa aaminsan in guusha uu gaarey ay bixineyso sawir ka duwan sawirkii laga heystay saraakiisha amniga ee Soomaaliya oo ahaa in aysan ahayn aqoonyahano.

Soomaaliya waxaa sanadihii dambe kusoo badanayay shakhsiyaadka difaacanayay shahaahadda cilmi-baarista ee PHD, waxaa dadka qaatay kamid ah Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xassan Sheekh Maxamuud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madasha Somali Business oo si rasmi ah looga daahfuray Muqdisho [Sawirro]

Xafladdan waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday dowladda, ganacsatada, khubaro dhaqaale.

  • Wararka

    07-08-2025

  • 07:16PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM